Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in doorashadii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee lagu waday inay dhacdo 5-da Disembar 2018 mar kale dib loo dhigay.
Arrintan ayaa ka danbeysay markii Guddiga Doorashada uu markii saddexaad dib u dhigay doorashada madaxweynaha Maamulka K/Galbeed oo hadda la shaaciyey inay dhici doonto 19-ka Disembar 2018, iyadoo markii hore loo asteeyay inay dhacdo 5-da Disembar, lagana soo wareejiyey 18-kii Novembar.
Guddiga doorashada ayaa sabab uga dhigay howlo badan oo u yaalla guddiga una baahan waqti dheeraad ah, waxayna wararku sheegayaan inay arrintan salka ku heyso qorshe ay wadato dowladda Federaalka.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA