Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Sabriye ayaa maanta tegaya Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, halkaas oo ay ka bilaabanayan wadahadalo lagu xalinayo is mari-waaga Gal-Mudug iyo dowladda Federaalka.
Wasiirka ayaa la kulmi doona madaxweyne Xaaf, wasiirka koowaad Sheekh Maxamed Shaakir, madaxa Xukuumada Galmudug iyo hogaamiyaha Ahlu Sunna Macalin Maxamuud iyo odayaasha deegaanka, waxaana sidoo kale la filan karaa inuu tago Cadaado oo tabasho qabta iyo sidoo kale Xeraale oo ay dagaal beeleedyo ka jiraan.
Xiriirka Dowlada Federaalka ah iyo maamulka Gal-Mudug ayaa xumaa tan iyo markii uu xukunka qabtay madaxweyne Xaaf labo sanno ka hor, waxaana uu maamulkaas dhowr jeer muujiyay cabasho badan oo la xiriirta fara-galinta Dowlada dhexe.
Dowlada Federaalka ah ayaa u muuqata inay hadda toos u wajahaheyso xaalada murugsan GalMudug oo ay qeyb ka mida taageersaneyd. Wasiir Sabrie oo dhowaan ka hadlaayay arrimaha GalMudug ayaa sheegay in xukuumadu ay fahamsan tahay ahmiyada maamulkaas ayna muhiim tahay in la helo xal uu dhinac walba qaadan karo.
Dowladda Soomaaliya oo heshiis la gashay Maamulka Jubbaland ayaa dooneysa in doorashada GalMudug ay waqtigeeda ku dhacdo, taasoo ay ka horjeedaan Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf iyo Sheekh Axmed Shaakir, waxaana weli kala qeybsan maamulka Galmudug oo dowladda lagu eedeeyay iany qeybta Cadaado taageerto.