Koox ka tirsan ciidamada Booliska Kenya ayaa yimid magaalada Muqdisho iyadoo ku biiraya ciidamada Booliska AMISOM ee ku sugan caasimadda.
Kooxdan oo ka kooban 10 sarkaal waa kuwii ugu horeeyay ee ka tirsan dowladaha safka hore, kana mid noqda ciidamada Booliska AMISOM oo ah ciidamo ka duwan kuwa nabad ilaalinta, waxaana ay qaateen tababar hal isbuuc ah oo lagu baray sharciga iyo xeerka Booliska AMISOM ku joogaan Soomaaliya.
Taliyaha ciidamada Booliska AMISOM Rex Dundun ayaa booliska ka yimid Kenya ugu baaqay inay u diyaar garoobaan howsha adag ee ku soo fool leh, gaar ahaan xilliga doorashooyinka ka dhici doona Soomaaliya oo Booliska AMISOM ay sugi doonaan Ammaanka caasimadda.
Xiriiriyaha tababarrada Booliska AMISOM Francis Aryee ayaa uga digay ciidamada cusub ee Booliska Kenya in xaaladda ammaanka Soomaaliya ay tahay mid aan la isku haleyn karin oo isbedel badan.
Madaxa Ciidamada Booliska Kenya ee yimid Muqdisho Rachael Munge Kironji, ayaa isna sheegay inay u diyaar garoobeen caawinta AMISOM si ay yoolkeeda u gaarto, ayna si fiican u barteen shaqada booliska AMISOM.
Booliska AMISOM ayaa ah mid shaqadiisa aanay Soomaali badan ka war heynin oo tababarada iyo shaqada ka caawiya Booliska Soomaalida, lana howlgala, waxaana hore uu ahaa ciidamo ka socda dalal ay ka mid yihiin: Burundi, Gambia, Ghana, Nigeria, Sierra Leone, Uganda and Zimbabwe iyo Keny oo ku soo biirtay.
DAAWO SAWIRRO
SAWIRADA: AMISOM