Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta Sheikh Abdullah Bin Zayed Al-Nahyan ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee uu Muqdisho yimaado, waxaana wafdiga Imaaraadka carabta ay kulan balaaran la yeesheen madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan wasiiro fara badan oo ay ka mid yihiin Arrimaha Dibedda, Caafimaadka, Maaliyadda, Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Waxbarashada, Amniga Qaranka, Taliyaha Booliska iyo xubno ayaa kulan la yeeshay wafdiga Imaaraadka oo ka sokow wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi ay ka mid ahayd Reem Al Hashimi Wasiiru Dowle ka tirsan xukuumadda Imaaraadka iyo Danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mohamed Al Othman.
Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa uga mahad celiyay dowladda Imaaraadka Carabta taageerada ay siiso dowladda iyo dadka Soomaaliyeed, “Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda waxaa abaal weyn idinka hayaan mashaariicda qiimaha leh ee dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ka fulinayso Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta Sheikh Abdullah bin Zayed ayaa isaguna ka mahadceliyey sidii wanaagsaneyn ee loogu soo dhoweeyay Muqdisho, wuxuuna sheegay inuu dalkiisu sii wadi doono taageerada uu siinayo Soomaaliya, “Waxaan dooneysnaa in in dalalka Khaliijka ay door weyn ku yeeshaan Soomaaliya” ayuuna yiri.
Shir kale oo laba geesood ah ayaa la sheegay inay labada dhinac yeesheen, kaasoo si gaara looga hadlay baahida degdegga ah ee dowladda Federaalka dooneyso in laga caawiyo, waxaana la shaaciyay oo kaliya in heshiis dhinac duulimaadyada rayidka ah ay kala saxiixdeen labada dal.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]