Dowladaha Somalia iyo China ayaa sameystay Guddi qaabilsan dhaqaalaha iyo ganacsiga, kadib wadahadal dhex maray wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Khadar iyo dhiggiisa dalka China.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dalka China wadahadal ku saabsan horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga labada dal kula yeeshay madaxda dalkaasi, iyadoo la isku afgartay in la sameeyo guddi dhaqaale oo dhinaca Soomaaliya ay u metalayaan Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Aasiya iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha.
Wafdiga Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa Gobalka Hunnan ee dalka Shiinaha uga qeyb gelaya munaasabadda daah-furka Madasha Africa & China ee ganacsiga iyo dhaqaalaha. .




