Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan iskaashi iyo arrimaha duulimaadka Hawada.
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa dalka Jabuuti kula kulmay dhiggiisa, iyagoo ka wahadadlay xiriirka labada dal iyo iskaashi ay sameystaan.
Socdaalka Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya waxaa ku waheliyay, Mareeyaha guud ee hay’ada duulista (SCAMA) iyo agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada soomaaliya, waxaana labada dhinaca ay heshiis ku gaareen Wadashaqeyn dhex marta labada wasaaradood iyo sidii la isaga kaashan lahaa dhinacyada Gaadiidka iyo Duulista rayidka labada dal.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Oomaar iyo Wafdigii uu hoggaaminayay ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.