Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay inay caadi ka dhigtay xiriirkii diblomaasi ee kala dhaxeeyay dalka Kenya, iyadoo baaq u dirtay Dowladda Kenya.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa loogu baaqay dowladda Kenya inay magaalada Muqdisho dib uga u furto safaaraddeeda Muqdisho, iyadoo Soomaaliya ay sidoo kale dib u fureyso safaaradii Soomaaliya ee magaalada Nairobi.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in soo celinta xiriirka buuxa ee labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya ay tahay tallaabo hore loo qaaday oo lagu bilaabi karo wadahadal labada dal dhex mara.
Kenya ayaa dhowaan dib u furay duulimaayada taga, kana yimaada Soomaaliya, waxayna tallaabada Soomaaliya qaaday loo arkaa mid dib loogu soo celinayo xiriirka xumaatay ee Soomaaliya iyo Kenya.
