Wafdiga Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta ayaa kulamadii ugu horeysay la yeeshay madaxda dalkaasi.
Ra’iisal wasaare Rooble ayaa kulan la yeeshay Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, Madaxweyne ku xigeenka iyo Ra’iisul Wasaaraha Imaaraadka Carabta, ahna xaakimka Dubai oo ay ka wadahadleen xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa
Sida ay qortay Wakaaladda wararka dalka Imaaraadka Carabta, Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum ayaa soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, isagoo muujiyay hamiga Imaaraadka Carabta ee ah inuu la bilaabo weji cusub oo iskaashi wax ku ool ah oo uu la yeesho Soomaaliya iyo in la xoojiyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee u adeegaya danaha labada dal ee walaalaha ah.
Maxamed Xuseen Rooble, ayaa dhinacsiia sheegay in dalkiisu uu aad ugu faraxsan yahay mowqifka Imaaraadka ee ku aaddan Soomaaliya xilliyadii la soo dhaafay.
Kulanka waxaa goobjoog ka aha Sheikh Ahmed bin Saeed Al Maktoum, oo ah Gudoomiyaha Bandhigga Expo 2020 iyo Jeneraal Sheikh Mansour bin Mohammed bin Rashid Al Maktoum.
Dhinaa Soomaaliya waxaa goobjoog ahaa wafdiga Ra’iisal wasaaraha ee wasiirada waxbarashada, Dastuurka, Amniga iyo xubno kale.
