Dowladda Ingiriiska ayaa si weyn uga hor timid doorasho aan la isku raacsaneyn iyo muddo kordhin ay ku dhaqaaqaan Hay’adaha dowladda Soomaaliya ee waqtigoogu dhammaaday.
Wararka kasoo baxay James Duddridge oo ah Wasiirka Afrika u qaabilsan UK ayaa lagu sheegay in dowladda Ingiriiska ay adkeyneyso sida degdeg ah ee looga baahan yahay in madaxda Soomaalida ay isu yimaadaan, ayna gaaraan heshiis wadar ogol ah oo lagu fuliyo heshiiskii doorashada 17-Septembar iyo talo soo jeedintii shirkii 16-ka Febraayo ee Guddiga Farsamada.
James Duddridge ayaa caddeeyay in UK aysan taageeri doonin tallaabo kasta oo keeneysa Doorasho dhinac qabto; Doorashoooyin is barbar soca ama muddo kordhin waqtiga lagu kororsado.
Wasiirku wuxuu ugu baaqay madaxda Soomaalida inay xal ka gaaraan is mari waaga ayna bilaabaan wadahadal, lana qabto doorasho xor ah sida ugu dhaqsiyaha badan.
Warka kasoo baxay Dowladda Ingiriiska ayaa qeyb ka ah War-saxaafadeedyo culus oo dalalka Midowga Yurub si cad ugu sheegeen inaysan taageeri doonin wixii kasoo haray heshiis iyo Doorasho la wada ogol yahay.
