Dowladda Israel ayaa soo saaray war ay ku sheegtay inaysan dalkeeda imaan karin laba ka mida haweenka ka tirsan Koongareeska Mareykanka oo kala ah Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib.
Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Israa’iil u soo jeediyey inaysan u ogolaan labadaasi xubnood inay booqdaan dalkooda. Laba haween oo ah muslim ka mida Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa qorsheystay inay ku socdaal ku tagaan magaalada bakareysan ee Qudus iyo Daanta Galbeed, iyadoo tegi lahaa Masjidka Aqsaa.
Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda Israel, Tzipi Hotovely ayaa shaacisay go’aanka dowladda Yuhuudda ee ku saabsan inaan loo ogolaan Ilhaan iyo Rashida inay booqdaan Israel. Ra’iisul wasaaraha Yuhuudda Benjamin Netanyahu ayaa go’aankan wada-tashi kala yeeshay xubno ka mid ah golihiisa wasiirada, ka hor inta aan maanta lagu dhawaaqin.
Rashida Tlaib oo asal ahaan kasoo jeedda Falastiin ayaa waxaa laga soo doortaa gobolka Michigan, halka Ihaan Cumar oo Soomaaliya kasoo jeedda laga soo doorto Minnesota. Labada xildhibaan ayaa aad u dhaliila siyaasadda Israel. Madaxweyne Trump ayaa maanta bartiisa twitter-ka kusoo qoray “Waxay muujin doonta dafiicnimo weyn” haddii Israel ay labadan u ogolaato booqashada.
Trump waxa uu intaas ku daray “Waxay neceb yihiin Israel iyo dhammaan dadka Yahuudda ah, mana jirto wax la oran karo ama la sameyn karo si maskaxdooda loo beddelo.”
Safiirka Israel ee Mareykanka, Ron Dermer ayaa bishii tagtay sheegay in Rashida iyo Ilhan loo ogolaan doono booqashada, si loo xushmeeyo Congress-ka Mareykanka iyo xiriirka Israel iyo Mareykanka, balse waxaa muuqata inayu taasi shaqeyn weyday.