Dowladda Jabuuti ayaa beenisay warar lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegaya in madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle uu dhowaan booqasho ku tegi doono dalka Eritrea.
Wasiirka arrimaha dibdada dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka wuxuu ku sheegay inay waxba kama jiraan yihiin wararka ka hadlaya booqashada la sheegay inuu madaxweynaha Jabuuti booqanayo dhawaan ku tegi doono dalka Eritrea.
Wasiirka wuxuu caddeeyay in iyadoo aan xal laga gaarin colaadda labada dal dhex taalla iyo muranka xuduudka labada dal ee Jabuuti iyo Ertirea aanu jiri doonin booqashado noocaasi ah.
Eritrea ayaa dadaal ugu jirtay inay heshiis la gasho dalalka Gobolka, kadib heshiiskii dhex maray Itoobiya iyo socdaalkii madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya ku tageen magaalada Asmara.