Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Dowladda Jabuuti oo ka baxday heshiiskii Shirkadda Dubai DP World ku maamuleysay Dekadda Dooraale

    Dowladda Jabuuti oo ka baxday heshiiskii Shirkadda Dubai DP World ku maamuleysay Dekadda Dooraale

    February 23, 20182 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dowladda Jabuuti ayaa ku dhawaaqday inay ka baxday heshiiskii ay kula jirtay shirkadda Caalamiga ah ee Dubai DP World oo maamuleysay Dekadda weyn ee Dooraale oo ah Dekad caalami ah oo Konteenarada qaabilsan.

    War kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Jabuuti ay go’aansatay inay iskeed uga baxdo, ayna baabi’iso heshiiskii ay kula jirtay shirkadda Dubai DP World, waxaana go’aankan uu noqday mid si degdeg ah u dhaqan galay.

    Warka ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Jabuuti ayaa lagu sheegay in heshiiskii ay kula jireen DP World lasoo gabagabeeyay, kadib markii lagu guuldarreystay in la xaliyo muran ka taagnaa labada dhinac oo soo bilowday sanadkii 2012.

    Dowladda Jabuuti ayaa si toos ah u maamuleysa dekadda Konteenarada ee Dooraale  Doraleh Container Terminal (DCT), waxayna si toos ah u hoos tegi doontaa shirkadda dowladda ee maamulka dekaddaasi.

    Dhinaca kale Shirkadda DP World ayaa sheegtay in in tallaabada ay qaaday Jabuuti ay tahay sharci darro, isla markaana ay bilowday dacwad cusub oo ay geyneyso Maxkamadda qaabilsan dhexdhexaadinta caalamiga ah ee London.

    Bayaan kasoo baxay Shirkadda Dubai DP World ayaa loogu baaqay dowladda Jabuuti inay ka laabato go’aankeeda sharci darrada ah, isla markaana ay sii wado wadashaqeyntii kala dhaxeysay.  Waxayna intaas ku dartay in wax qasaare dhaqaale ah aanu kasoo gaareynin shirkadda.

    Sanadkii hore ayay ahayd markii ay Maxkmadda International Arbitration ee London ay shirkadda DP World u go’aamisay inay wax khalad ah  ku kicin, heshiiska ay kula jirto dowladda Jabuuti.

    Sanadkii 2014 ayay dowladda Jabuuti ayay ku soo oogtay Shirkadda Dubai DP World ee dowladda Dubai leedahay dacwad ku saabsan inay kharash ku bixisay si sharci darro iyo musuq ah si ay u hesho heshiiska ay kula wareegtay maamulka Dekadda Dooraale oo 50 sano soconaya.

    Dekadda Dooraale Doraleh DP World Dubai Dubai DP World JABUUTI Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleTaliska Ciidamada Mareykanka oo shaaciyey Duqeyn kale oo lagu dilay Xubno ka tirsan Alshabaab [Akhriso]
    Next Article Wasiir Maareeye oo u digey Guddiga Doorashada: “Haddii aan u arko in Wadahadalka Lagu dhagrayo Somaliland anna waan tegayaa..” [Dhageyso]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo