Dowladda Kenya ayaa hambalyo iyo talo wada socda u dirtay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ee shalay dib loogu doortay Doorasho muran badan hareeyay oo ka dhacday magaalada Kismaayo.
Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda Kenya ayaa loogu hambalyeeyay shacabka Jubbaland iyo madaxweynahooda dib loo doortay, sidii nabadgelyada lahayd ee ay u qabsadeen doorashada, waxaana loogu ballan qaaday taageerada dowladda Kenya inay joogto ahaan doonto.
Qoraalka kasoo baxay dowladda Kenya ayaa kula taliyey maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe hoggaamiyo inuu wadashaqeyn dhow la yeesho Dowladda Faderaalka Soomaaliya, iyadoo la raacayo Dastuurka Dowladda Federaalka, lana bilaabo wadahadal bog cusub u fura xiriirka labada dhinac.
HOOS KA AKHRISO
