Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Dowladda Mareykanka oo Farmaajo iyo Golaha Shacabka ka dalbatay inay baabi’iyaan Muddo kororsigii

    Dowladda Mareykanka oo Farmaajo iyo Golaha Shacabka ka dalbatay inay baabi’iyaan Muddo kororsigii

    April 29, 2021Updated:April 29, 20212 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dowladda Mareykanka ayaa ka dalbatay inay Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya inay baabi’iyaan muddo kororsigii ay ku dhawaaqeen 12-kii April.

    War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu bogaadiyey go’aankii ay muddo kordhinta uga hor yimaadeen Ra’iisal wasaare Rooble iyo Madaxda Maamul Goboleeyada dalka.

    Qoraalka ayaa lagu sheegay inuu Mareykanka si dhow u eegayo ballanqaadkii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee 28-kii April oo ku aaddanaa inuu dib ugu laaban doono heshiiskii doorashada ee Sebtember 17, isla markaana uu si dhakhso leh dib u billaabayo wadahadalkii hoggaamiyeyaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka.

    “Waxaan ka codsaneynaa madaxweynaha iyo baarlamaanka inay si deg deg ah uga howl-galaan baabi’inta hindise sharciyeedkii muddo kordhinta ee 12 April.” ayaa lagu yiri War saxaafadedka Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

    Mareykanka ayaa soo dhaweeyay, islamarkaasina bogaadiyay Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo hoggaamiyayaasha maamullada ee diiday muddo kordhinta ay ku dhaqaaqeen Maxamed Farmaajo iyo Golaha Shacabka.

    “Waxaan ka codsaneynaa madaxda qaranka iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya inay si degdeg ah u kulmaan, si loo dhameystiro qaabka doorashada ee la isku raacsan yahay, lana qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha sida ugu dhaqsaha badan, iyadoo lagu saleynayo heshiiskii Sebtember 17.” ayaa ka mid ahaa qoraalka.

    Mareykanka ayaa ugu yeerey hoggaamiyayaasha siyaasadda inay danta Soomaalida darteed meel iska dhigaan rabitaankooda siyaasadeed iyo kala fikir duwanaanshiyahooda, ayna si daacad ah oo tanaasul iyo shuruud la’aan u wada hadlaan.

    Ugu dambeyn Mareykanka ayaa ugu baaqay ciidamada Soomaaliya iyo kooxaha kale ee hubeysan inay dib u gurtaan oo ay oggolaadaan in wadahadallada siyaasadeed ay dib ugu bilowdaan jawi ka caagan rabshado iyo cagajugleyn.

    “Rabshadaha oo sii socda ayaa waxay noqon doonaan kuwa uun kaliya u adeega inay xaaladda uga sii darto” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedkan.

    Doorashada Farmaajo Mareykanka US
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMaxaa kasoo baxay kulankii Rooble, Qoorqoor, Guudlaawe iyo Xubnaha Musharixiinta Madaxweynaha..?
    Next Article IGAD oo madaxda Soomaalida ka dalbatay inay ku laabtaan Heshiiskii Doorashada ee 17-ka Septembar

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo