Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 13
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Featured»Dowladda Mareykanka oo joojisay Saadkii ay siin jirtay Ciidamada Milateriga Soomaaliya [Warbixin Xasaasi ah]

    Dowladda Mareykanka oo joojisay Saadkii ay siin jirtay Ciidamada Milateriga Soomaaliya [Warbixin Xasaasi ah]

    December 14, 20174 Mins Read Featured
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dowladda Maraykanka ayaa joojisay gargaarkii cuntada iyo shidaalka ee ay siin jirtay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, cabsi laga qabo musuq maasuq, dharbaaxo militari oo hor leh iyadoo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay bilaabeen in ay Soomaaliya ka baxaan bishaan.

    Ciidamada AMISOM ayaa Soomaaliya soo galay 10 sano ka hor,si ay ula dagaallaman mintidiinta Xagjirka ah ee Al-shabaab,waxaana la filayaa in Ciidanka Soomaliya ugu dambayntii la wareego waajibaadkiisa.

    Laakiin Maraykanka ayaa sidoo kale bixiya kharashka 22 kun oo Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM,kuwaasoo ka caraysan in xukuumadihii is-daba joogga ahaa ee Soomaaliya ay ku fashilmeen dhismaha ciidan qaran oo awood leh.

    Debloomaasiyiintu waxay ka walwalsan yihiin in aysan Soomaaliya haysan ciidan xoog leh,taasoo suura-gelin karta in ay dib u xoogaystaan Al-shabaab oo khalkhaliyaan gobolka iyo in ay Soomaaliya gabbaad ka helaan dagaallamayaal kale oo Al-qaacidda ama Daacish ah.

    Xayiraadda gargaarka ayaa timid,kadib kolkii marar badan ciidanka Soomaalidu ku fashilmeen in ay xisaab sugan ka soo gudbiyaan cunto iyo shidaal la siiyey,sida ku xusan qoraallo sir ah oo ay is-weydaarsadeen dowladaha Maraykanka iyo Soomaliya oo ay aragtay Wakaaladda Wararka Reuters.

    “Wada-xaajoodyadii ugu dambeeyey ee ay yeesheen Maraykanka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya,labada dhinac waxay isku raacaceen in ciidanka Xoogga dalka Soomaliya aysan buuxin hal beegga is-la xisaabsanka gargaarkii Maraykanka”,sidaasi waxaa wakaaladda Wararka reuters u sheegay Sarkaal ka tirsan waaxda Arrimaha debadda Maraykanka oo magaciisa diiday.

    “Waxaan dib u-habayn ku samayneynaa gargaarka Maraykanka ee cutubyada Xoogga dalka Soomaaliya,marka laga reebo cutubyada helaya hagidda,si loo xaqiijiyo in gargaarka Maraykanka loo adeegsado sida wax ku oolka ah ee loogu talo-galay”,ayuu yiri sarkaalka.

    Xayiraadda gargaarka ee Maraykanka ayaa ku beegmatay,wakhti xasaasi ah oo la qorsheeyey in Ciidamada Midowga Afrika ee ka socda dalalka Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda ay Soomaaliya ka baxaan sannadka 2020. Kunka askari ee ugu horreeya ciidamada AIMSOM ayaa bixi doona dabayaaqada sannadkaan 2017.

    Mas’uul ka tirsan waaxda Arrimaha debadda Maraykanka ayaa sheegay in Washington sii wadayso taageerada ay siiso cutubyada yar ee ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya ay madaxda u yihiin shaqaalaha Maraykanka ,sidoo kalena ay dowladda Soomaaliya la shaqeyn doonto,si loogu heshiiyo halbeeg lagu soo celin karo kaalmadii la siin jiray ciidamada kale.

    “Waa run, waxaa jira xooga walaac ka jira qaabka kaalmada loo adeegsaday loona qaybiyey.Xukuumadda federaalku waxay ka shaqeyneysaa inay wax ka qabato, “ayuu yiri Wasiirka Difaaca Soomaaliya Maxamed Mursal oo u waramay Reuters.

    Meeyay Gargaarkii?

    Documentiyo laga soo diray Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya oo loo diray dowladda Soomaaliya ayaa muujinaya in saraakiisha Mareykanka ay aad uga careysan yihiin in ciidanku aysan awoodin in ay xisaabiyaan kaalmadooda.

    Documentiyada ayaa rinjiyeynaya sawir muuqaal ka bixinaya arrimo musuq maasuq, iyo in aysan awoodin in ay ciidankooda mushahar siiyaan,inkastoo boqolaal malyan oo dollar ah ay kaalmo u qaataan.

    Intii u dhexaysay bilihii May iyo June ee sannadkaan koox saraakiil Maraykan iyo Soomaali ah ayaa booqday sagaal saldhig mililtari,si ay u qiimeeyaan,bal in 5000 askari oo saldhigyada ku sugan ay heleen gargaarkii cunto ee Maraykanku soo dhiibay.

    “Ma aanno helin cadadkii weynaa ee aan filaynay inaan meel kasta ka helno,mana hayno caddayn muujinaysa in la isticmaalay”,sidaasi waxaa xukuumadda Soomaaliya u qoray kooxdii Maraykanka ahayd.

    Hal saldhig oo keliyah waxaa ku joogay in ka yar 5 askari oo kamid ahj ciidamadii ay taliyaasha Soomaalidu sheegeen in ay joogaan. Saldhigii ugu fiicnaa waxaa ku sugnaa 550 askari oo 160 keliyihii qoryo haystaan.

    “In badan ayaa u muuqday inay xiran yihiin lebis cusub . Tani waxay muujinaysaa in ay isugu soo uruuriyeen oo kaliya si loo hagaajiyo muuqaalka, “sida ku qoran Warqadda ay Reuters aragtay.

    Qiimeyn joogto ah oo ku aaddan ciidanka milateriga Soomaaliya sannadkan, xukuumadda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa soo afmeeray natiijooyin isku mid ah.

    Warbixin ay si wadajir ah u soo saareen oo ay aragtay Reuters,ayaa sheegtay in qaar badan oo ciidanka kamid ah aysan haysan qoryo,direes,cunto,gawaari iyo teendhooyin. Ciidanka ayaa ku tiirsan taageerada ciidamada Midowga Afrika ama maleeshiyooyinka maxalliga ah si ay u noolaadaan.

    “SNA waa ciidan jilicsan oo leh taliyaal aad u liita ,” ayaa lagu yiri warbixinta. “Waxay awoodi kari waayeen in ay sameeyaan howlgalo wax ku ool ah”.

    Dowlada Mareykanka ayaa sidoo kale joojisey barnaamij ay ku bixiso askar bilays ah oo ah $ 100 bil walba,bishii June kadib markii xukuumadda federaalku diiday in ay la wadaagto mas’uuliyadda helitaanka lacagaha ciidamada maamul goboleedyada ee la dagaallama al Shabaab.

    Washington waxay Ciidanka Soomaaliya ku bixisay $ 66 milyan toddobadii sano ee la soo dhaafay laakin waxay joojisay barnaamijka dhowr jeer, iyadoo ka walwalsan in lacagtaas aanay gaarin askarta furimaha hore.

    Xigasho:- Reuters
    W/T: Abdirahman Isse Omar

    U.S. suspends aid to Somali military over graft

    ciidamada xoogga Milateriga SNA Top US
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleU.S. suspends aid to Somali military over graft
    Next Article Beesha Cadaado & Xildhibaannadeeda oo ka hor yimid Heshiiskii Ahlu Suna iyo Galmudug [Akhriso Qoraal Culus]]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo