Dowladda Masar ayaa Golaha Ammaanka Q/Midoobay u gudbiyey Qaraar qabyo ah oo ku saabsan xaaladda magaalada barakeysan ee Qudus.
Qaraarkan qabyada ah ayaa qoraya inaysan wax ka soo qaad lahayn go’aanada ay magaaladaasi ka qaataan dalal gaara, sharci darrana ay noqonayaan inĀ hal dhinac uu go’aan ka gaaro mustaqbalka magaalada Qudus.
Arrinan ayaa jawaab u ah go’aankii uu iskiis u shaaciyey madaxweynaha Mareykanka oo Magaalada Qudus ku sheegay caasimadda Israa’iil. Dowladda Masar oo soo jeedisay qaraarkan ayaa la filayaa in Mareykanku ka hor yimaado.
Qaraarkan qabyada ah ee loo gudbiyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqaya dhammaan dalalka kale in ay ka dheeraadaan in ay safaaradahooda ka samaystaan magaalada Qudus.
Dublamaasiyiinta ayaa sheegaya in qaraarkani uu haysto taageerada inta badan xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, wuxuuna sharci ku noqon karaa inay taageeraan 9 dal oo ka mida golaha Ammaanka, isla markaana aan loo adeegsan codka diidmada qayaxan ee VETO.