Mida ka mida amiirada Boqortooyad Sacuudiga oo xabsi ku jiray muddo ku dhow sanad ah ayaa la sheegay in xabsiga laga sii daayey.
Amiir Khaalid Bin Talaal ayaa la dhashay maalqabeenka weyn ee Sacuudiga Amiir Waliid Bin Talaal ayaa xoriyadiisa dib u helay shalay, wuxuuna ka mid ahaa Amiirada boqortooyada Sucuudiga ee loo xiray howlgalkii uu waday dhaxal-sugaha Maxamed Bin Salman ee la sheegay in lagula dagaalamayo musuqmaasuqa.
Sida laga soo xigtay Qoyska Amiirka Khaalid bin Talaal, waxay sii deyntiinta ka dambeysay cadaadiska Sacuudiga la saaray kadib dilkii saxafiga Jamal Kashoqgi, waxaana sii deyntiisa xaqiijiyey qaar ka mida eheladiisa oo faafiyey sawirro isagoo isbitaalka ku booqanaya wiilkiisa oo Koomo ku jira muddo dheer.
Dowladda Sucuudiga ayaan weli wax war ah kasoo saarin sii deynta Amiir Khalid Bin Talaal.