Dowladda Shiinaha ayaa ku dhawaaqday in lacag gaareysa 31 milyan oo dollar ay gargaar ahaan u siineyso Afghanistan, taasoo ah taageeradii ugu horuesau ee dalalka dibadda ay siiyaan maamulka Daalibaan ee ka taliya dalkaaasi.
Gargaarka Shiinaha ee dlaka Afghanistan waxaa ku jiri doona cunto, sahayda cimilada qaboobaha iyo tallaallada COVID-19. “Shiinuhu wuxuu go’aansaday inuu si degdeg ah u siiyo $ 30.96 milyan oo u dhiganta (200 milyan oo lacagta shiinaha ee Yuan), iyadoo loo eegayo baahida dadka Afghanistan,” ayaa lagu yiri War lagu faafiyey soo xigtay wakaaladda wararka ee Xinhua.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Shiinaha Wang oo la hadlayay wasiirada dhiggiisa dalalka arrimaha dibadda dalalka Pakistan, Iran, Tajikistan, Uzbekistan iyo Turkmenistan, ayuu sheegay in kaalmadan ay gacan ka geysan doonto dib u dhiska dalka ay dagaalladu aafeeyeen. Wuxuu sidoo kale sheegay in Shiinuhu uu gacan ka geysan doono la dagaallanka argagixisada iyo ka ganacsiga maandooriyaha sharci darrada ah.
Gargaarka Shiinaha ayaa imaanaya, iyadoo uu hore u caddeeyay inay sii wadi doonaan xiriirka ay la leeyihiin Mamaulka Daalibaan, kadib markii ay ku dhawaaqeen dowladda KMG ah ee Imaaradda islaamiga Afghanistan.
Qaramada Midoobay ayaa toddobaadkan ka digtay in Afghanistan ay wajahayso “saboolnimo baahsan” bartamaha sanadka soo socda haddii aan la xoojin dhaqaalaha dalkaas.
Mareykanka ayaa ka walaacsan aqoonsiga uu Shiinaha siinayo Daalibaan iyo xiriirka uu doonayo inuu la yeesho, taasoo meesha ka saari karta doorkiisii, kadib markii uu ciidamadiisa kala baxay Afghanistan.
