Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta inay beesha caalamka ku qanciso maamulka ay ka dhiseyso Galmudug oo xilligan soo gaaray doorashadii ugu danbeysay ee Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo federaalka xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka dhoofay magaalada Dhuusamareeb 28-kii Janaayo, isagoo Muqdisho u tegay inuu la kulmo wakiilada Beesha Caalamka si uu uga qanciyo hannaanka Doorashada Galmudug ee ay qaadaceen dhinacyada Ahlu suna iyo Musharixiinta qaarkood.
Isla maalintaasi waxaa War-saxaafadeed soo saaray Beesha Caalamka marka laga reebo Itoobiya, iyadoo loogu baaqay dowladda Federaalka iyo dhinacyada Galmudug inay heshiis ka gaaraan inta dhiman Doorashada Galmudug.
Xogta la helay ayaa sheegeysa in dib u dhigista muddo 3 maalmood ah dib loo dhigay xilligii doorashada Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug ay ahayd qorshe ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso inay ku qanciso Beesha caalamka oo sidaasi ka dalbatay iyadoo weli ay socdaan wadahadallada u dhaxeeya Wasiir Sabriye iyo wakiilada Beesha caalamka.