Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay 15 ka mid ah muwaadiniinteeda, kuwaasi oo ku xirnaa Xabsiga Remand ee Magaalada Harare kadib wadahadal rasmi ah oo ay la yeelatay Xukuumadda Zimbabwe.
Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Koonfur Afrika ahna danjiraha aan deganayn ee Zimbabwe, Mudane Jamaal Maxamed Barrow ayaa wadahadal guuleystay la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Zimbabwe kadib markii uu booqday xabsiga. Waxaa la filayaa in todobo kale oo muwaadin dalka dib loogu soo celiyo muddo todobaad gudihiisa.
Danjire Jamaal Barrow ayaa uga mahadceliyay samafalayaal Muslimiin Hindi ah oo ku nool Zimbabwe oo bixiyay qarashka tikidhada noqoshada dadkaasi Soomaalida ah ee muddo sideed bilood ah ku xirnaa xabsi.
Bishii November 2017, Ciidamada ammaanka Zimbabwe ayaa dadkaasi Soomaaliyeed xirxiray, waxa ayna u tixgeliyeen inay yihiin muhaajiriin sharci darro ku socdaalaya.
Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee South Africa, Mudane Jamaal Maxamed Barrow ayaa sidoo kale ah danjiraha aan deganayn ee dalalka Zimbabwe, Botswana, Namibia, Angola iyo Mozambique, waxaana uu isku dayayaa ballaarinta iyo dardargelinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalkaasi saaxiibada ah.