War kasoo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa lagu sheegay in la hakiyey codsiyada bixinta Baasaboorka muddo toddaabad ah.
Qoraal ay soo saaray Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa lagu yiri: “Arimo farsamo awgood, waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan lagu wargelinayaa in mudo todobaad ah kana bilaabata September 14, 2019 ilaa September 21, 2019 la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka...”
Lama faahdaahin arrimaha farsamo ee soo wajahay sameynta Baasaboorka, waxayna arrintan ku soo beegmeysaa iyadoo ay sidoo akle hakad ku jirto bixinta warqadda dembi la’aanta ee CID-da ciidamada Booliska, kadib markii uu amar ku bixiyey taliyaha ciidamada Booliska, iyadoo la sheegay in musuqmaasuq ka dhex jiray nidaamka bixinta warqadaasi uu sababtay in la hakiyo bixinteeda.