Dowladda Soomaaliya ayaa iska fogeysay u eedeyn uga uga timid siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo sheegay inay soo abaabushay hadal uu jeediyay Sheekh Xasan Daahir Aweys
.
Wasiirka warfaafinta ee dawladda federaalka Soomaaliya Maxamad Cabdi Xayir Maareeye oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in Xasan Daahir Aweys uu haysto taleefan ayna tiknoolajiyada u fududeysay inuu soo duubo muuqaal balse aysan dowlada u fududeyn arrinkaas.
“Arrinta lagu haysto Cabdiraxmaan Cabdishakuur waa mid diini ah ma aha mid dowladeed iyo dad ay is hayaan C/raxmaan Cabdi Shakuur,hayeeshee looga baahan yahay in uu iska berri yeelo arrinta ay Culimadda ku heystaan.”ayuu yiri Wasiir Maareeye.
Wuxuu kula raliyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur in uu qabto koox culumo ah oo arrintiisa gasha. “Waxaan ugu baaqayaa siyaasiga in uu qabto Kulan Culimo ah oo uu ku dhageysiinayo warkiisa iyo waxa ay ka qabto Diinta,hadii ay sheegaan in uusan dambi laheyn wuu iska bari yeelay hadii ay dhahaan waad qaldan tahay hatago masaajidka ugu dhow ee ha towbad keeno ayuu yiri “wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya.