Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay xilliga dib loo furayo duulimaayadaha diyaaradaha isaga goosha Gobollada Dalka.
Wasaaradda Duulista ayaa sheegtay in horaanta todobaadka soo socda si rasmi ah u furmi doonaan howlihii duulimaad ee gudaha Dalka oo in muddo ah xayirnaa Cudurka safmarka Coronavirus awgiis.
Wasiirka Gaadiiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Oomaar ayaa sheegay in la sameeyay habraacyadii la mari lahaa, ayna rajeynayaan in horaanta toddobaadka soo socda dib loo furi doono duulimaadyadii Gudaha dalka.
Duulimaadyada gudaha ayaa la joojiyey 28-kii Maarso, waxaana maanta arrintan shir ka yeeshay dhinacyada ay quseyso arrintan oo shuruudo loo dhigay dadka dhoofaya.