Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu danbeyn War ka soo saartay dhibaatooyinka Ajnabi naceybka ee ka qarxay dalka South Afrika oo Arikan ay Somaalidu ka mid tahay qasaare kasoo gaaray.
Warka kasoo baxay Dowladda Somalia ayaa lagu sheegay in dowladda Somalia ay aad uga xun tahay dhibaatadda loo geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kunool dalka Koonfur Afrika,kuwaasi oo la kulma dil, dhac iyo weeraro joogta ah.
Dalal badan oo Afrikaan ah ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan South Africa, waxaana ugu horeeya dalka Nigeria oo si kulul uga hadlay qasaraha dadka dalkaasi loogu geystay K/Afrika, wuxuuna ku dhawaaqay inuusan ka qeyb geli doonin shir caalami ah oo ka dhacaya South Africa.
HOOS KA AKHRISO
