Ciidamo cusub oo hor leh ayaa saaka laga dejiyey magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, iyadoo ay diyaarad ka qaaday magaalada Muqdisho.
Ciidamadan oo ku biiraya ciidamo fara badan oo hore ay dowladda Soomaaliya u geysay magaaladaasi ayaa la sheegay inay ka mid yihiin ciidamada Harmacad ee Booliska oo ah kuwi si gaara u tababarran, waxaana tiradooda lagu sheegay inay ka badan yihiin 50 askari.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay la wareegtay degaanadii ay gacanta ku hayaan ururka Ahlu suna ee Gobolka Galgaduud iyo degmo ka mida Gobolka Hiiraan, waxaana dowladda Soomaaliya ay u muuqataa inay go’aansatay inay awood ku maquuniso Ah;u suna oo ay hore ugala wareegtay ciidamadeedii.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ee la geeyay degaanada Ahlu suna ka talin jiray waxay isugu jiraan qeybaha ciidamada ee kala ah: NISA, Booliska-Harmacad- Danab.