Warsaxaafadeed caawa kasoo baxay wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliya ayaa lagu difaacay muddo kordhinta Aqalka hoose u sameeyay Maxamed C/llaah Farmaajo, waxaana loogu jawaabay beesha caalamka inayh taasi tahay rabitaanka shacabka.
Qoraalka Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay hadallada xanafta leh ee dalalka saaxiibada Soomaaliya, waxayna ka codsatay inay sii wadaan taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay si aad ah uga xumaatay inay aragto hadallada a shaaciyeen qaar ka mid ah saaxiibbadeeda caalamiga ah iyo saaxiibbada muddada dheer ay ku marin habaabinayaan sharciga ay soo saareen hay’adaha dowladda ee lagu ilaalinayo xuquuqda dimoqraadiyadda ee shacabka ay ku dooranayaan hoggaankooda, taas bedelkeedana loogu yeelay muuqaal sidii muddo kordhin sharci darro ah.
Dadka Soomaaliyeed waxay u oomanaayeen fursad ay ku gutaan xuquuqdooda dimoqraadiyadeed una adeegsadaan awooda codkooda doorashada hoggaamiyeyaashooda. In kasta oo maamulkani dadaal badan ku bixiyay himiladan, haddana bishii Sebtember 17, 2020, hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya waxay isku raaceen in la joojiyo hannaankaas oo la qabto doorasho dadban taa beddelkeeda.
Sida ay dhammaantood goobjoog u ahaayeen sagaalkii bilood ee la soo dhaafay, labo ka mid ah 7-dii saxiixayaasha heshiiska 17-kii Sebtember 2020, oo kala ah hoggaamiyeyaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland, iyagoo ku dhaqmaya cadaadis ba’an oo kaga imaanaya saameynta shisheeyaha, waxay isku dayeen inay hakiyaan oo afduubtaan howsha iyagoo abuuraya dalab aan dhammaad lahayn iyo iyagoo ku baaqaya in la burburiyo hay’adaha dowliga ah ee qaranka.
Khataraha ka imaan kara luminta horumarka la sameeyay ilaa iyo hadda waxay keeneen in Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ay ka doodaan oo ay u codeeyaan 12-ka Abriil 2021-ka si loo ilaaliyo hay’adaha dalka. Go’aankan waxaa si ballaaran u taageeray daneeyayaasha muhiimka ah ee siyaasadda dalka, oo ay ku jiraan Dowladda Federaalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo saddex ka mid ah shanta dowlad-goboleed ee xubnaha ka ah Federaalka, kuwaas oo kala ah Hirshabeele, Galmudug iyo Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed.
Sida ku cad qodobka 47aad ee dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu awood u leeyahay inuu soo saaro sharciyo gaar ah oo qeexaya xeerarka khuseeya doorashooyinka heer federaal.
Sidaa darteed, sharciga uu soo ansixiyay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka 12-kii Abriil 2021 oo dhigaya in hal qof iyo hal cod doorasho lagu dhaqo dalka ayaa meesha ka saaraya qorshe kasta oo horay loo gaaray, oo uu ku jiro heshiiskii 17-kii Sebtember 2020.
Asal ahaan, sharcigani wuxuu dalka siinayaa fursad ay ku fuliyaan mid ka mid ah xulashooyinka ay soo jeediyeen Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (NIEC), oo horey u soo saaray dhowr fursadood oo la fulin karo, oo ay ku jiraan khariidad lagu dhameystirayo doorashooyinka 13 bilood gudahood.
Inkasta oo aan ka mahadcelineyno walaacyada saaxiibbadeen caalamiga ah ee ku aaddan xasilloonida iyo amniga Soomaaliya, haddana waa wax laga xumaado in aan markhaati ka ahaano u ololeynta mabaadi’da dimoqraadiyadda oo ka gaabinaysa taageeridda himilooyinka dadka Soomaaliyeed ee ah in ay ku dhaqmaan xuquuqdooda dimoqraadiyadda.
Hadalada xanafta leh ee ay ku raran yihiin hanjabaadaha, ee wax u dhimaya madaxbanaanida siyaasadeed iyo xuquuqda madaxbanaan ee hay’adaha qaranka, waxay kaliya u adeegi doonaan dhiiragelinta ururada argagixisada iyo kuwa nabad diidka ah ee Soomaaliya.
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay garab taagan tahay go’aannada ka soo baxay Baarlamaanka Federaalka waxayna weli ku taagan tahay hirgelinta doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka dhaca dalka muddada loogu talagalay Waxaan ka codsaneynaa asxaabteena iyo saaxiibadeena inay sii wadaan taageeradooda wax ku oolka ah ee amniga Soomaaliya iyo xasiloonida mustaqbalka fog.

QORAALKA WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDA