Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay dib u soo celisay xiriirkii Diblomaasi ee ay u jartay dalka Kenya.
War kasoo baxay xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in inay arrintan ka dambeysay kadib markii wadahadal miradhal ah ay yeesheen madaxda labada dal.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa Warbaahinta dowladda ka shaaciyey tallaabada ay mar kale qaadatay dowladda Soomaaliya in iyadoo la ilaalinayo daris wanaagga iyo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal la gaaray go’aankaan.
Dowladda federaalka ayaa jartay xiriirka Kenya 15-kii December 2020 kadib markii ay Kenya ku eedeysay inay farogelin ku hayso arirmaha gudaha ee Soomaaliya.
Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al cadaala oo goordhaw la hadlay warbaahinta ayaa sheegay, in iyada oo la ilaalinayo daris wanaagga iyo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal la gaaray go’aankan.”
Soo celinta xiriirka ayaa waxaa dhex-dhexaadiyey amriika dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani, sida ay sheegtay warbahinta dowladda Soomaaliya. Qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda Soomaaliya oo la sheegay inay si wadajir ah usoo saareen labada dal ayaa lagu yiri:
“Labada dowladood waxay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xiriirka saaxiibtinnimo ee labada dal iyadoo lagu saleynayo mabaadi’da is-ixtiraamka ee madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed, faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee labada dhinac, sinnaanta, wax wada qabsiga iyo nabad ku wada noolaanshaha. Madaxweynayaasha labada dal waxay Amiirka Dowladda Qatar uga abaal hayaan, ugana mahadcelinayaan dadaalkii uu ka geystay arrintan.”
Arrintan ayaa ka danbeysay markii ergay ka socday dowladda Qatar uu yimid Muqdisho, isagoo dhambaal qoraal ah oo uu ka siday Amiirka dalka Qatar u gudbiyey Madaxweynaha xilligiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo isla dhambaal kale ayuu ergeyga Qatar maanta gaarsiiyey madaxweynaha dalka Kenya.

