Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay ka hortagtay Hub culus iyo rasaas ay dalka soo gelinayeen Hay’ado Ajnabi ah, Dawladdo Shisheeye iyo dad Soomaali ah oo ay isbaheystay.
Sida lagu sheegay qoraalka oo ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta in laga hortagay oo ay ayna dabagal kuhayso halka loo waday hubkan. Qoraalka laguma sheegin nooca hubka, goobta laga soo geliyay dalka, cidda soo gelisay iyo xilliga arrintani dhacday midna, taasoo warka ka dhigtay mid aan nuxur lahayn.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay xogo muhiim ah ku heshay in hay’ado ajanebi ah, waddamo shisheeye iyo dad Soomaali ah oo isbahaystay ay maalmahan isku deyeyeen in ay hub culus iyo rasaas sharci darro ah soo geliyaan Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, iyada oo aan haba yaraatee waxba lagala socodsiin, ogolaanshana aan laga haysan hay’adaha kala duwan ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya waxa ay leedahay nidaam adag iyo habraac sugan oo loo maro soo gelitaanka hubka illaa meesha uu ka yimaaddo illaa barta ugu dambaysa ee lagu kaydiyo. Nidaamkaas ayaana maanta u sahlay in Dowladdu ogaato isna hortaagto hubkaas sharci darrada ah ee la rabay in la soo galiyo Dalka
Dowladda Federalka Soomaaliya qorshahan la rabay in Dalka lagu soo geliyo hub sharci darro ah iyo wax kasta oo khalkhal gelinaya nabadda iyo xasiloonida Dalka waxa ay u aragtaa duulaan lagu soo qaaday madaxbanaanida iyo xasiloonida Dalka. Mowqif adagna way iska taagaysaa.
Xukuumadda Federalka Soomaaliya waxay baaritaan ku haysaa hubkaas culus iyo rasaastaas sharci darrada ah ee Dalka la soo gelin rabay, meesha loo waday, meesha laga soo dhiibay iyo ujeedka laga lahaa.