Dowladda Soomaaliya ayaa war ay ka soo saartay qaraxii maanta ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho ku sheegtay inay cambaareyneyso, iyadoo tacsi u dirtay dadkii ku waxyeeloobay ee lagu dilay qaraxa.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta xukuummadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay inuu falkaasi ahaa weerar bahalnimo ah oo kooxaha nafla-caariga ah ee argaixisada ah ku qaadeen dad shacab ah.
Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay dad ku dhow 10 qof waxaana ku dhaawacmay 7 kale, iyadoo Gaariga BL-ka ahaa ee uu haleelay ay ka badbaadeen 3 qof.
HOOS KA AKHRISO

