Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Dowladda Soomaaliya 30 sano kadib yeelatay Qorshaha Horumarinta Qaranka [SAWIRRO]

    Dowladda Soomaaliya 30 sano kadib yeelatay Qorshaha Horumarinta Qaranka [SAWIRRO]

    June 29, 20162 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Muqdisho, 29 June 2016 (Villa Somalia)—- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daah-furay Barnaamijka Qorshaha Horumarinta Qaranka (National Development Plan), kaas oo noqonayaa midkii ugu horeeyay ee ay Soomaaliya yeelato muddo haatan laga joogo 30 sanno.

    “Waa maalin taariikhi ah inaan maanta daah-furno barnaamijkan muhiimka ah. Tani waxay muujineysaa in dowladnimadeena ay xoogsaneyso. Dalna ma shaqeyn karo haddii uusan lahayn qorshe cad oo qeexaya hawlaha uu qabanayo. Sidaad la socotaan xilligiii ay dowladdan xafiiska timid waxaa mar walba ka go’nayd inay sameyso qorshe lagu hawlgalo, inagoo ka bilowney miisaaniyaad ku meel gaar ah oo aan dejinay dhammaadkii 2012-ka’’.

    Madaxweynaha ayaa sheegay in dukumentigan kooban uu yahay dhaxal loogu talagaley jiilka hadda jooga iyo kuwa soo socda, sidaa darteedna loo baahan yahay in wax walba oo ku jira si taxaddar leh loo fuliyo.

    “Soomaaliya baahiyo badan ayay leedahay oo ay tahay inay buuxiso. Kaabeyaasheena dhaqaalaha iyo adeegyada kale oo dhan ayaa u baahan in si hufan loo dhiso. Barnaamijkan waxaa lagu jaangooyay baahida maanta ee jirta, waxaana lagu beegay waqtigii ugu habboonaa. Si tartiib tartiib ah ayaan ula jaanqaadi doona hadba sida ay baahiyada u kala muhiimsan yihiin’’.

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in si barnaamijkan uu dhaqangal u noqdo loo baahan yahay in la helo hannaan lagu qiimeeyo qorshaha ku xusan, isla markaana lala yimaado isla xisaabtan iyo isa sixid.

    Qorshaha Horumarinta Qaranka oo socon doona muddo 3 sanno ah ayaa waxaa soo diyaarisay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, waxaana arrimaha ugu waaweyn ee uu diiradda saarayo ka mid ah dhimista fakhriga, dib u habeynta kaabeyaasha dhaqaalaha, tayeynta hay’adaha dowliga , hirgelinta nidaam siyaasadeed loo dhan yahay xoojinta sharciga, garsoorka iyo amniga.

    Munaasabaddan waxaa sidoo kale hadalo ka jeediyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke iyo Wasiirka Qorsheynta Qaranka , Cabdiraxmaan Caynte.

    ——————–DHAMMAAD–——————

    Qorshe02

    Q

    Qorshe04

    Dowladda Soomaaliya Qorshaha Horumarinta Qaranka Wasaaradda Qorsheynta Wasiir Ceynte
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDHAGEYSO WASIIR MAAREEYE: Xukuumadda Somaliya oo jawaabay kulul ka bixisay eedeyntii Hay’adda Culimada
    Next Article Afhayeen cusub oo loo magacaabay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha & Xukuumadda Somaliya

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo