Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay sii wado ciidamada ay ku daabuleyso degmada Luuq ee Gobolka Gedo.
Ciidamo cusub oo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa mar ale Saaka Diyaarado loogu qaaday Degmada Luuq ee Gobolka Gedo, iyadoo hore degmadaasi loo geeyay ciidamo kale oo laga qaaday degmooyinka Baardheere iyo Garbahaarey.
Ciidamada saaka loo duulliyey degmada Luuq ayaa ka tirsan Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, waxayna diyaarad ka qaaday Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde.
Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamadii ugu badnaa ku daabuleysa Gobolka Gedo, waxaana degmada Luuq gaaray ciidamo fara badan oo dowladda qorsheyneyso inay kula wareegto degmooyinka Doolow iyo Beledxaawo oo ay gacanta ku hayaan ciidamo taabacsan maamulka Axmed Madoobe.