War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dowladda Mareykanka ka codsatay inay gacan xoog leh ka geysato sidii Shabaab looga xoreyn lahaa gudaha Soomaaliya.
AMISOM oo ka garab dagaallameysa Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay ku guuleysteen in Shabaab sida uu doono aanuu ka yeelin dalka, sidaa ay tahayna AMISOM uma suurta gelin in ay Shabaab ka suuliso dalka Soomaaliya oo dhan, Sababaha guusha militeri ee kama dambeysta ah hortaagani waa ay badan yihiin waxaana ka mid ah in hoos u dhac uu ku yimid hantida ku baxda Howlgallada AMISOM.
Sidaa darteed iyada oo abaal weyn u haysa dalalka Afrika ee ciidankoodu uu ka tirsan yahay AMISOM ee uu daafaco kuna dhinto dalka Soomaaliya, ayay Dowladda Soomaaliya waxay ka codsatay dowladda Mareykanku inay gacan intaan ka weyn oo xag sirdoon iyo xag ciidanba howlgal ahba ay ka geysato dagaalka ka dhanka ah Shabaab iyo ISIS si looga xoreeyo gudaha Soomaaliya goobaha ay uga sugan yihiin.

Arrintaa waxaa kallifay xog sir ah oo ku saabsan al Shabaab oo ay heshay Dowladda Soomaaliya. Waraaq rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Yusuf-Garaad Cumar ayay Dolwadda Soomaaliya ay codsigeeda ugu gudbisay Dowladda Mareykanka.
Dowladda Soomaaliya waxay hore ugu caddeysay Mareykanka, in howlgallada militeri ee goos gooska ah ee uu Mareykanku hadda ka wado Soomaaliya ay ahaadaan kuwo aad looga fiirsaday xogta hagaysa iyo fulintoodaba si loo xaqiijiyo in shacabka Soomaaliyeed naftooda iyo hantidoodaba aan waxyeello ka soo gaarin.