Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shacabka magaalada Muqdisho uga digtay inay ka fogaadaan Xeebaha magaalada Muqdisho xilliyadan oo Baddu kacsan tahay.
Shirkii Golaha wasiirada ayaa arrintan looga hadlay shalay iyadoo Wasiirka Warfaafinta uu faray dadka u damaashaad taga xeebaha inay is ilaaliyaan ayna xirtaan Jaakada dabaasha.
Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa sheegay in dad badan in ay ku dhinteen maalhaman Badda, taasoo keentay iyadoo arrintan loo xilsaaray Ciidamada Booliska.
Meydadka dad ay soo tuftay badda ayaa dhowaanahan laga helayay xeebaha Muqdisho, iyadoo dadweyne fara badan ay u damaashaad tagaan maalmaha Jimcaha.