Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Yaxye Cali Ibraahim oo awoodda Ra’iisal Wasaaraha kula wareegay Guddiga Abaaraha Qaran [Caddeyn]

    Yaxye Cali Ibraahim oo awoodda Ra’iisal Wasaaraha kula wareegay Guddiga Abaaraha Qaran [Caddeyn]

    August 25, 20172 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xoghayihii Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo dhowaan xilka laga qaaday Yaxye Cali Ibraahim ayaa lagu eedeeyay inuu faragelin iyo wax ka bedel ku sameeyay Guddiga Qaranka ee abaaraha.

    Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha C/llaahi Maxamuud Xasan (Azhari) ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku eedeeyay Xoghayihii Yaxye Cali Ibraahim inuu fara gelin ku haayo howlaha Wasaaradda, isla markaana bilaabay inuu kala qeybiyo oo  bur buriyo Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha.

    Mudane Azhari ayaa si kulul arrintan uga hadlay, isagoo adeegsaday baraha bulshada, taasoo muujineysa heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka cusub. “Kaddib Markii Yaxye Cali Hareeri uu ku fashilmay Hoggaankii Wasaaradda Arrimaha Gudaha, wuxuu u tafaxeytay inuu kala qeybiyo, isla markaana burburiyo Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha” yuu yiri Mr. Azhari.

    Yaxye Cali Ibraahim oo ay ahayd inuu xubinnimadiisa Guddiga Abaaraha Qaranka waayo, kadib markii laga qaaday xilkii uu Guddiga uga mid ahaa ee wasaaradda arrimaha gudaha, laakiin waxaa dhacday in Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre uu Yaxye ka dhigo la-taliye xafiiskiisa ah, taasoo keenay inuu Guddiga dhexdiisa awood ku lahaado.

    Yaxye Cali Ibraahim oo xilka ku wareejinaya xoghayaha cusub ee Wasaaradad Arrimaha Gudaha

    Kadib xil ka qaadistsii Yaxye ayuu sheegay xoghaye Azhri inuu shirkii maalinlaha ee Guddiga Gurmadka Abaaraha oo  lagu qaban jiray xaruntiisa Wasaaradda Arrimaha Gudaha uu isagu la wareegay isagoo ku shiraya meel qarsoodi ah.

    Yaxye ayaa lagu eedeeyay inuu Guddiga Abaaraha Qaran ka saaray Guddiga xubnaha ka tirsanaa, isagoo ku soo daray xubno cusub, isagoo adeegsanaya Sheekh Nuur Baaruud iyo awoodda Ra’iisal wasaare Kheyre.

    Shirkii ugu danbeeyay ee Guddigani yeesho ayaa waxaa ka qeyb galay saddex xubnood kaliya oo ahaa xubnaha rasmiga ah ee ku soo baxay Digreeto Madaxweyne, halka xubnaha kale uu keensaday Yaxye Cali Ibraahim.

    Yaxye Cali Ibraahim ayaa ahaa Guddoomiyaha Guddiga Farsamada ee Guddiga qaran ee Gurmadka Abaaraha, ka hor inta aan laga qaadin xilkii Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

    HOOS KA AKHRISO QORAALKA

    Kheyre Ra'iisal wasaaraha Top Wasaaradda Arrimaha Gudaha Yaxye Cali Ibraahim
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticlePuntland oo amar ku bixisay in la gubo Lacagta Shilin Soomaaliga ee geeyo degaanadeeda
    Next Article Dowladda Soomaaliya oo dadweynaha uga digtay damaashaadka Xeebaha Muqdisho

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo