Dowladda Soomaaliya ayaa maanta daah furtay xarun loogu magac daray “Xarunta Qaran ee isku duba ridka gargaarka”.
Xaruntan oo ay maamuleyso wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka ayaa waxaa furitaankeeda ka qeyb galay Ra’iisal wasaare ku xigeenka iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal weyn ugu jirta inay la wareegto maamulka iy xiriirinta arrimaha gargaarka, waxaana barbar socda hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa samafalka oo xarun kale oo xiriirisa howlaha gargaarka ku leh magaalada Muqdisho.
SAWIRRO
Ra’iisal wasaare ku xigeenka ayaa furay xarunta, waxaana ka hadlay wasiirka gargaarka iyo kan warfaafinta xukuumada Soomaaliya.
Wadani.com