Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay uga mahadcelineyso Sucuudiga, sida joogtada ah ee uu u taageero.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu cadeeyay in boqortooyada Sucuudiga ay ugu deeqday Soomaaliya, lacag gaareyso $50 milyan oo dollar.
Waxaa qoraalka lagu yiri: “Waxaan u mahadcelineynaa Boqortooyada Sucuudiga oo waqtigan baahida loo qabo, noogu deeqday $50 milyan oo dollar si loogu adeego shacabka Soomaaliyeed, taasoo muujineysa sida dalka aan wallaalaha nahay ee boqortooyada Sacuudiga ay u danaynayso ka qeybqaadashada dib u dhiska dalkeena.”
Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in boqortooyada Sucuudiga ay ka qeybqaadanayso dib u dhiska dalka Soomaaliya iyo in deeqda lacageed “la soo gaarsiisay Dawladda Federaalka Soomaaliya.”
Wasaaradda warfaafinta ayaa warkeeda ku sheegtay in safarkii Madaxweyne Farmaajo ee Sucuudiga lagu sii xoojinayay xiriirka labada dhinac ka dhexeeya.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in lacagta loo adeegsan doono kordhinta adeegyada dowladda ay u qabato shacabka, sida ku xusan qoraalka ka soo baxay wasaaradda warfaafinta.
“Deeqdan $50ka milyan ah ayaa lagu shubayaa Khasnada Dawladda ay ku leedahay Bankiga Dhexe, waxaana loo isticmaali doonaa si ku dhisan daahfurnaan iyo isla xisaabtan. Dowladda Federaalku waxay la wadaagi doontaa warbixin hufan oo la xariirta qaabka kharashka loo bixiyey,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in “deeqdan ay xukuuumadda ka saacidi doonto sii joogteynta bixiinta mushaaraadka ciidanka, raashinkooda iyo mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah.”
Waxaa intaas lagu daray: “Xiriirka walaaltinnimo ee qotoda dheer ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga waa mid taariikh fog leh. Kaalmadaan oo waqtigan loogu baahi badan-yahay, waa mid ka tarjumeysa sida Boqortooyada Sucuudiga ay uga go’antahay garab-istaaga dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.”