Dowladda Soomaaliya ayaa wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxa u dirtay Gobolka Gedo.
Wafdiga oo ay ka mid yihiin xildhibaanno labada gole ee Federaalka ayaa ku baxay qeylo dhaan ka soo yeertay dadka Gobolka Gedo gaar ahaan magaalada Beledxaawo oo ciidamo Kenyaan ah ay ka wadaan dhul-balaarri.
Wafdiga Wasiika arimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa gaaray degmada Doolow oo lagu soo dhoweeyay, waxaana la filayaa inay u sii gudbaan dgemada xuduudka ee Beledxaawo, halkaasoo ay kulamo kula yeelan doonaan waxgaradka iyo maamulka magaalada.