Afhayeenka Wasaaradda Amniga dowladda Soomaaliya ayaa faafhaahin ka bixiyay qaraxii maantaxarunta degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Afhayeenka Axmed Maxamuud Maxamed (Carab) oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in qaraxan ay ku dhinteen in ka badan 10 Qof, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen 9 kale sida uu yiri, wuxuuna ku eedeeyay kooxda Alshabaab.
Afhayeenka oo xaalad kacsan ay ka muuqato ayaa kooxda Alshabaab ku eedeeyay inay dhiigga shacabka daadiyaan kadibna sheegeen inay laayeen askar, wuxuuna intaas ku daray in dhaawaca soo gaaray guddoomiyaha degmada Wadajir aanu gaarsiisneyn mid saxaafadda laga sheego sida uu yiri.
Dadka weerarka ku dhaawacmay waxaa ka mida Guddoomiyaha degmada Wadajir Cumar C/laahi Xasan, Guddoomiyaha ururka Haweenka degmada, Xoghayaha degmadaasi, Madaxa Ciyaaraha degmada.
DHAGEYSO AFHAYEENKA