Dowladda Talyaaniga ayaa bilad sharafeed guddoonsiisay Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Munaasabad ka dhacday dugsiga sare ee Booliska ayaa dowladda Talyaaniga ku sheegtay inuu Prof. Jawaari Billadda ku muteystay shaqo wanaagsan oo uu kasoo qabtay xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo inuu yahay saaxiib ay leeyihiin.
Xafladda bilad sharafeedka Talyaaniga lagu guddoonsiiyay Mudane Jawaari waxaa goobjoog ka aha danjiraha Talyaaniga ee Soomaaliya, saraakiil ka socota Dowladda Talyaaniya iyo Madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
Wadani.com