Dowladda Uganda ayaa ciidamo cusub oo Boolis ah u soo direa Soomaaliya, iyagoo ku biiri doono ciidamada Booliska AMSOM ee hore ugu sugnaa dalka.
Ciidamada cusub ee Booliska Uganda oo la keenayo dalka ayaa waxaa shaaciyey Taliyaha howlgallada nabadda Booliiska Uganha Grace Turyagumanawe oo ka mid ahaa wafdi saraakiil ka socota Midowga Afrika oo dhowaan tegay magaalada Muqdisha, wuxuuna shaaciyey inay ka qeyb qaadan doono sugidda ammaanka Dalka Soomaaliya.
Euxuu shgeegay Turyagumanawe inuu socdo diyaar garow ain Soomaaliya la geeyo qeybta labaad ee Booliska AMISOM oo lagu heshiiyey. loona diyaarinayo Qalabkoodaa lagama maarmaanka u ah.
Ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika Simon Mulongo ayaa isna sheegay inay ku qanacsan yihiin doorka ay Booliiska Uganda uga jiraan nabad dhisidda iyo sare u qaadidda awoodda Boliiska Soomaaliya.
Ciidanka Boliiska midowga Afrika ayaa qorsheynaya in xilliga kala guurka ka hor ay Booliska Soomaaliyeed u diyaariyaan qalabkii ay ku howl-geli lahaayeen iyo tababarro dhammays tiran, si ay ammaanka Dalka iyo kala dambayntuba ula wareegaan marka ay Dalka ka baxdo AMISOM 2021-ka.
Lama sheegin tirda ciidamada Booliska AMISOM ee la keenayo Soomaaliya oo ku biiri dona kuwoo hore u joogay, Waxayba Booliska AMISOM ka kala socdaan dlalka: Uganda, Kenya, Nigeria, Sierra Leone , Zambia iyo Ghana,.