Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Dowladdu waa inaysan weerarka Garoonka Aaden Cadde u arkin Hoobiye la soo tuuray uun (W/Q: Daahir M. Geelle)

    Dowladdu waa inaysan weerarka Garoonka Aaden Cadde u arkin Hoobiye la soo tuuray uun (W/Q: Daahir M. Geelle)

    April 20, 2020Updated:April 21, 20203 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Daahir Maxamud Geelle
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Al-Shabaab dhowr jeer ayay hoobiyaal ku weerareen garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaallada Muqdisho. Qaar ka mid ah hoobiyayaashaas ayaa ku dhacay saldhigga Xalane oo garoonka ku dheggan.

    Weerarro kale oo gaadiid la qarxiyay loo adeegsaday, waxyeellana geystay ayaa sidoo kale lagu qaaday saldhigga Xalane iyo garoonka diyaaradaha.

    Weerarrada lagu qaado garoonka diyaaradaha iyo nawaaxigiisa waa ay ka saammayn badanyihiin kuwa ay sida joogtada ah Al-Shabaab uga fuliyaan magaalada dhexdeeda.

    Inkastoo qasaaraha muuqda sida dhimashada, dhaawaca iyo burburka hantiyeed ay ka sinnaan karaan, haddana marka ay garoonka diyaaradaha joogto weerarrada noocaan ah waxa ay bulshada iyo magaallada ku yeelan karaan saammayn taban oo intaas ka badan.

    Marka koowaad, Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle waxa uu adeeg siiyaa Soomaalida ku nool magallada iyo gobollada, Waxa uu il dhaqaale u yahay dowladda. Sidoo kale, waxaa adeegsada hay’adaha gargaarka siiya dadkeenna, diblomaasiyiinta Soomaaliya fadhigoodu yahay iyo howl-galka AMISOM oo kaalin lixaad leh ku leh dowlad-dhisidda Soomaaliya.

    Sidoo kale, garoonku waxa uu waayadaan dambe soo jiidanayay indhaha caalamka, ayadoo diyaaradaha caalamiga ah ee duulimaadka ka billaabay ay kordheen.

    Haddaba haddii aan wax laga qaban weerarrada ay Al-Shabaab ku qaadayaan garoonka iyo nawaaxigiisa waxa ay saammayn doontaa dhammaan howlaha garoonka ka socda.

    Waxaa istaagi doona duulimaadyada caalamiga ah marka hore, kuwa gudaha iyo gobolkana waa saammayn doontaa. Hay’adaha iyo safaaradaha fadhigoodu yahay Xalane ayaa guuri doona, ayadoo la ogyahay waqtiga ay qaadatay in lagu qanciyo in ay dalka soo dagaan.

    Howlaha Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo aasaas u ah howlaha dowlad-dhisidda ee dalka ka socdana waa ay saammayn doontaa, dalkeennana uma wanaagsana dhinac ammaan, dhinac bani’aadamnimo iyo dhinac ganacsi ba.

    Sidaas darteed, Dowladda Federaalka iyo dadka Soomaaliyeed waxaan la wadaagayaa walaacan, aniga oo ku boorrinaya dowladda in aysan weerarka garoonka lagu qaadayo u arkin “Hoobiye la soo tuuray uun” ee ay dareento saammaynta taban ee dalkeenna ku yeelan karaan weerarrada lagu qaado goobaha muhiim ka ah. Dowladdu waa inay arrin qaran u aragtaa difaacidda garoonka diyaaradaha iyo xerada ay marti sharafta dalku deggan yihiin ee Xalane.

    Ugu dambeyn, Al-Shabaab waa dabeecad lagu yaqaan in ay isku dayaan in ay bulshada gaarsiiyaan nabarba midka uu ka xanuun badan yahay, lagama filayo wax aan dil, qaxin iyo burburin ahayn. Yaan laga yeelin in ay u suurto gasho arrintaasi ee xoogga iyo dhaqaalaha la haysto ha la isugu geeyo ka hortagga iyo la dagaallidda kooxdaan duulaanka ku ah wax kasta oo diinteenna iyo dhaqankeennu xarrimeen in lagu xadgudbo.

    Qofkasta oo ka warqaba dhibka laga soo maray dib u furitaanka garoonka Aaden Cadde burburkii kadib wuu ka welwelayaa in garoonka wax soo gaaraan dhaawici kara sumcadiisa iyo haykalkiisa shaqo.

    W/Q: Daahir Maxamuud Geelle
    Wasiir & Danjire hore

    Hoobiye Weerar
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGanacsadaha Shiines-ka ah ee Jack Ma oo Qeybtii 3-aad ee Deeq Qalab Caafimaad ah ugu deeqay Afrika (Akhriso)
    Next Article Mareykanka oo Qalab Caafimaad ugu deeqay Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya (Sawirro)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo