Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa shaaciyay in la furayo wadooyinka xiran ee magaalada.
Wuxuu sheegay in wadooyinka jid-cadayaasha iyo wadadda Trebuunka loo furi doono shacabka, iyadoo laga hortegayo inuu dhaco qarixii Soope oo kale, ciriirigana looga yareeyo wadooyinka.
Guddoomiyaha G/Banaadir ayaa sheegay in hay’adaha ammaanka ay ka wadahadleen arrintan ayna isla qaateen, iyadoo sidoo kale qorshe loo sameyn doono Gaadiidka waaweyn ee xamuulka oo wadooyinka mari doona habeenkii oo kaliya ama hal wado oo gaara loo sameeyo.
Wadadda isku xirta Trebuunka iyo KM4 ayaa ka mida waddooyinka halbowlayaasha ah ee u xiran safaarado shisheeye, taasoo qeyb weyn ka qaadatay criiriga ka jira jidka Maka Almukarama iyo Jidcaddeyaasha xaafadaha oo ciidamada xasilinta ay xireen.

DHAGEYSO