Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) ayaa shaaiyey in isbedel lagu sameeyay qaabka loo aaso dadka u geeriyooda cudurka Coronavirus.
Isagoo ka hadlayey shir jaraa’id oo ka dhacay xafiiska R’iisal wasaaraha ayuu sheegay in isbedel lagu sameeyay qaabka loo aasayo dadka u dhinta cudurka Covid-19, wuxuuna sheegay in loo diyaariyay koox gaar ah oo loo tababaraay, si gaar ahna uga shaqeyn doonta aasidda meydadka.
Guddoomiyaha G/Banaadir ayaa dadka ku wargeliyey inaan la booqan karin dadka uu soo rito cudurka Covid-19, isla markaana dad fara badanna aysan raaci karin meydadka, balse ay u tukanayaan salaad qof maqan ah.
Wuxuu dalbaday inaan lagu soo xoomin dadka cudurka u dhinta, janaasadiisana aan lasoo buuxin, dadkuna ay qaataan tallooyinka ay bixinayaan dhaqaatiirta, kana fogaadaan meelaha dadka badan isugu yimaadaan, dadkuna ay kala fogaadaan.