Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay dad cusub oo laga helay cudurka Coronavirus iyo qaar u dhintay magaalada Muqdisho.
War kasoo baxay Wsaaradda caawa oo ah 18-ka Abril, 2020: ayaa lagu sheegay in 24-kii saac ugu dambeeyay cudurka laga baaray 25 qof oo looga shakiyay inay Coronavirus sidaan, waxaana laga helay19 ka mida.
Waxaa kaloo soo kordhay in laba qof oo ahaa dadkii hore u qabay cudurka ay u geeriyoodeen, iyadoo dhammaan dadkaan ay joogeen magaalada Muqdisho.
19-ka qof ee maanta cudurka laga helay, 15 oo ka mida waa Lab, halka 4 kale ay yihiin Dheddig.
Tirada guud ee ilaa hada la xaqiijiyey in cudurka Covid-19 laga helay ayaa gaareysa Soomaaliya: 135 qof, waxaana sare u kacday tirada dhimashada oo hadda mareysa 7 ruux.