Wararka laga helayo Gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in duqeyn halkaasi ka dhacay lagu dilay laba qof.
Duqeynta ayaa waxaa geystay diyaarad loo maleynayo inay tahay nooca Drone oo beegsatay Gaari nooca raaxada ah oo marayey degaaanka Kalgeed-dheer ee duleedka tuuladda Xiriiro, kana tirsan degmada Iskushuban, gobolka Bari.
Wararka ayaa sheegay in gaariga la duqeeyay uu bas beelay, isla markaana ay ku dhinteen laba qof oo la socday, waxayna dadka degaanka sheegeen in duqeynta Gaariga lala beegsaday ay dhaliay inuu bas beelo oo shiilmo gebi ahaanbadadkii la socdayna jirkoodii uu gubtay.
Waxaa wararku sheegayaan in duqeynta lagu dilay C/xakiin Dhoqob oo ahaa ku xigeenka hoggaamiyaha kooxda Daacish ee Soomaaliya, sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.