Taliska ciidamada Dowladda Federaalka ayaa shaaciyey in horjoogayaal badan Alshabaab badan looga dilay duqeyn ka dhacday duleedka degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.
Inta la xaqiijiyay 10 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab oo ay ku jiraan Horjoogayaal ayaa lagu dilay Duqeyn laga fuliyey Deegaanka Buurweyn oo 23 KM Waqooyi Galbeed ka xiga Degmada Jalalaqsi, sida lagu sheegay war ay faafisay Wasaaradda Warfaafinta.
Howlgalkan ayaa lagu beegsaday Horjoogayaal saarnaa Gaari uu leeyahay Horjooge Ibnu Bashiir oo ah horjoogaha maleeshiyada Alshahaab u qaabilsan Xisbada Gobalka Hiiraan, wuxuuna xilligaasi taagnaa gaariga meel fariisin u ahayd maleeshiyaad badan.
Sidoo kale waxaa howlgalkaan lagu dilay Horjoogihii Guud ee Caafimaadka Alshabaab ee xisbada Gobalka Hiiraan oo lagu magacaabi jiray Muxsin iyo Horjooge Anas oo ahaa Horjoogihii isla maleeshiyadaas u qaabilsanaa aagga Jalalaqsi.
Duqeynta ayaa dhacay Galabta abaaro 4-tii galabnimo, ayaa waxaa wali socda qiimaynta kama danbaysta ah ee khasaaraha Khawaarijta ku gaaray howlgalkaan.

