Duubabka Dhaqanka Beesha Mudulood ayaa ka baaqsaday ka qeyb galka caleemo saarka Ugaaska Beesha Xawaadle
Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo maanta oo maanta ka dhacaya magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Imaam Maxamed Yuusuf, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo Malaaq Cali Maxamed ayaa ka baaqsaday caleemo saarka Ugaas Xasan, taasoo ka dhalatay xiisad ka dhex taagan Ugaaska la duubayo iyo Duubabka Mudulood oo salka ku heysa falal uu ku kacay Ugaas Xasan.
Wadani.com ayaa ogaatay in Duubabka Mudullood ay Ugaas Xasan ka tirsadeen khaladaad badan oo ay ugu weyn tahay inuu diiday soo dhoweyntooda xilli ay magaalada Beledweyne ku booqdeen Bishii Maarso 2016, arrintaas oo dhowaan xalkeeda ay galeen dhinacyo kala duwan, lagana dalbaday Ugaas Xasan inuu raali gelin ka bixiyo, balse uu jawaab ka bixin waayay.
Xiriirka labada beelood iyo labada dhaqan oo soo jireen ahaa ayaa hadda u muuqda inuu marayo halkii ugu xumey, wuxuuna Ugaas Xasan oo lagu tilmaamo nin hal adag oo hadalkiisu qayaxan yahay ku guuleystay inuu kala jaro xiriirkii dhaqanka ee beelaha Xawaadle iyo Muddulood isagoo aan la duubin.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo laf ahaantiisa isku dayay inuu odayaasha iyo Duubabka Mudulood ku cadaadiyo ka qeyb galka caleemo saarka Ugaaska Beesha Xawaadle ee maanta 25 July 2015 ka dhaceysa Beledweyne ayaa ku guul dareystay markii ay diideen Duubabka Mudulood.
Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa intii uu geeriyooday walaalkiis Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif waxaa lagu bartay inuu yahay haddalo adag oo qaarkood ay dhibaatooyin badan abuuteen, waxaana ka mida inuu had iyo jeer wax ka sheego gobolka Shabeelaha Dhexe.
Arrintan ayaa shaki la’aan sii cakiri doonta dadaalkii lagu doonayay in maamul loogu dhiso gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Wadani.com