Duulimaadkii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi ayaa dib u bilowday maanta oo Jimco ah dib u billowday.
Arintan ayaa ka dambeysa heshiis todobaadkii hore ay gaareen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta oo ay ka mid ahayd dib u soo celinta duulimaadkii tooska ahaa.
Hey’adda duulista rayidka Soomaaliya ayaa sheegtay in maanta la furay duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi, waxaana Muqdisho ka duushay diyaarad toos ugu wajahan Nairobi, iyadoo la fulinayo heshiiskii Madaxweyneyaasha labada dal.
Dowladda Kenya ayaa hore soo rogtay in dhamaan diyaaradaha ka imaanayo Soomaaliya ay ku hakadaan garoonka Wajeer si baaritaan loogu sameeyo.