Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Yuusuf Garaad: “Lama fududeysan karo geerida Almaas Elman & goobta ay xabbaddu ku dishay”

    Yuusuf Garaad: “Lama fududeysan karo geerida Almaas Elman & goobta ay xabbaddu ku dishay”

    November 22, 2019Updated:November 23, 20192 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, ahna saxafi weyn ayaa soo bandhigay qaabka loo baari karo falkii sababay inay geeriyooto Almaas Elman Cali Axmed oo xabbad kula dhacday gudaha xarunta Xalane ee Muqdisho u geeriyooday 20-kii bishan.

    Yuusuf Garaad oo tacsi u diray waalidka marxuumadda, walaalaheed, qoyska iyo saaxiibbadeeda, ayaa dhinaca kale sheegay in Goobtu ay ahayd gudaha xeyndaabka oo lagu tilmaamo in aad loo ilaaliyo. Kana fogeyn dhabbaha ay diyaaraduhu ku rooraan marka ay kacayaan iyo marka ay soo caga dhigtaan iyo waliba hool lagu doortay laba Madaxweyne iyo laba Guddoomiye Baarlamaan.

    “Waa lama huraan in la sameeyo baaritaan sax ah, cilmi ku qotoma oo su’aalaha macquulka ah ee taagan u hela jawaabo aan la burin karin. Haddii qalliinka xaqiiqa doonka ah ee geerida dabadeed lagu hayo xagasha ay xabbaddu ka gashay jirka Almas, lana helo joogga ay dhulka ka sarreysay meesha ay xabbaddu uga dhacday. Waxaa fududaaneysa in la helo barta ay xabbaddu dhulka uga dhici lahayd, haddii aanay Almas ku dhici lahayn iyo xagasha ay dhulka la sameyn lahayd..” ayuu yiri Yuusuf Garaad oo tilmaan ka bixiyey qaabka loo baaro dhacdooyinka noocan oo kale ah.

    Wuxuu intaas ku daray in marka intaas la helo, aysan dhib badneyn in qiyaas xisaab ku qotonta lagu soo saaro jihada ay xabbaddu ka timid iyo marinka ay hawada ka soo jeexday halka uu ahaa. Wuxuuna sii raaciyey: “Xabbadda maaddaama la hayo, haddii loo abtiriyo oo la ogaado nooca qoriga ay ka dhacdo, masaafada ay gaari karto iyo xawaaraha ay ku safarto, lana og yahay barta ay dhulka uga dhici lahayd iyo xagasha ay kula dhici lahayd, waxaa fududaaneysa in la garto halka xabbaddaas laga soo riday. Joogga in la soo saaraa ma dhib badna. Waa cabbirka oogada kursiga gaariga ay fuushaneyd uu ka sarreeyo dhulka oo lagu daray jooggeeda fadhiga ah oo ku eg barta ay xabbaddu uga dhacday..”

    Tilmaamaha uu bixiyey ayuu ku dooday Yuusuf Garaad inaysa ahayn wax uu iska mala awaalayo ee ay yihiin baaritaan noociisa oo kale caalamka hore loo adeegsaday, wuxuuna qoraalkiisa ku soo gabagabeeyay: “Marka intaas jawaab loo helo ayaa laga shaqeyn karaa sidii caddaalad loogu heli lahaa marxuumadda, loona xaqiijin lahaa in uu sugan yahay amniga garoonka, kan hoolka doorashada iyo shirarka waaweyn oo la isku halleyn karo”.

    Almaas Elman Baarista Dilka Almaas Xalane Yusuf Garad
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDuulimaadkii tooska ahaa Muqdisho iyo Nairobi oo dib u bilowday. [Hakashadii Wajeer oo meesha laga saaray]
    Next Article C/casiis Lafta-gareen oo Muqdisho kulan Gaara kula yeeshay xildhibaannada laga soo doortay K/Galbeed & Arrimihii looga hadlay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo