Guddoomiyaha Degaanka Garasbaaley ee Duleedka Muqdisho C/raxmaan Axmed Cali (Garyare) ayaa eedeyn kulul u jeediyay maamulka cusub ee Gobolka Banaadir.
Wuxuu ku eedeeyay maamulka uu guddoomiyaha u yahay Taabit Cabdi Axmed inaysan marna waxba u qaban dadka kasoo barakacay abaaraha ee degaankaasi ku sugan oo xaalad adag ku jira.
Degaanka Garasbaaleey ayay ku nool yihiin kum,anaan ka soo barakacay abaaraha dalka ayaa aha goobta kaliya ee maamulka Gobolka aanay wax kaalmo gaarsiin, isla markaana aanay booqan.
C/raxmaan Axmed ayaa ku dhaliilay Duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed inuusan weli booqan dadka daadsan degaanka Garasbaaley.
DHAGEYSO